Home arrow Siyaasadda | Africa arrow Dowladaha Uganda iyp Itoobiya oo Beeniyay Eedeyn Loo Jeediyey
Unreported World Somalia 1
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:317
Date:22-09-2008
Unreported World Somalia 2
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:143
Date:22-09-2008
Unreported World Somalia 3
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:116
Date:22-09-2008
Somalia Now and Then
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:455
Date:07-09-2008

Laanta Afka Soomaaliga

BBC
Voice of America

Polls

Should Ethiopian troops leave Somalia?
 
Will 2008 be better year for Somalia?
 

Syndicate

Get Our News Updates
May 24 2008
Dowladaha Uganda iyp Itoobiya oo Beeniyay Eedeyn Loo Jeediyey
Written by Ali Moallim   
Saturday, 24 May 2008

Addis Abba,(insidesomalia.org)- Dowladaha Itoobiya iyo Uganda ayaa waxay waxba kama jiraan ku tilmaameen eedeyn loo jeediyay Ciidamada Uganda iyo Itoobiya ee Muqdisho ku sugan, taasi oo ahayd in ay jebiyeen cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya.

Danjiraha Dowladda Koofur Afrika u fadhiya Qaramada Midoobay, isla markaana ah Guddoomiyaha Guddiga la socodka cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya ayaa sheegay in Saraakiil Soomaali, Itoobiyaan iyo Uganda isugu jira ay ku xadgudbeen cunqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya, isla markaana ay kooxo Soomaali ah hub ka iibiyeen.

Haddaba markii uu soo baxay warkan eedeynta ah ayaa afhayeenno u kala hadlay Dowladaha Itoobiya iyo Uganda waxay beeniyeen eedeynta Saraakiishooda Ciidamada loo soo jeediyay, waxayna sheegeen in ilaha warbixintaas laga soo xigtay ay yihiin kuwo aan sugneyn.

Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya oo lagu magacaabo Wahade Belay ayaa wuxuu sheegay in eedeynta loo soo jeediyay Saraakiishooda Ciidamada ee Soomaaliya jooga ay tahay mid aan sax ahayn, “waxaan rabnaa in aan Beesha Caalamka u xaqiijinno in eedeymaha naloo soo jeediyay ay yihiin kuwo aan lahayn wax lagu rumeysan karo, Ciidamadeenana ma ahan kuwo lug ku yeelanaya ka ganacsi hub”ayuu yiri Wahade Belay.

Sidoo kalena, Afhayeenka Ciidamada Amisom ee ku sugan Magaalada Muqdisho Captain Barigye Bahouku ayaa wuxuu isna waxba kama jiraan ku tilmaamay eedeynta uu u soo jeediyay Guddiga Qaramada Midoobay u xil saaran la socodka cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya, wuxuuna sheegay in uu xaqiijinayo in aysan Saraakiisha Ciidamadooda ku lug yeelan eedaha loo soo jeediyay.

“Waan sheegi karaa in aysan qof ka mid ah Saraakiisha Amisom ku lug yeelan wax ku saabsan hub iibin iyo ku xad-gudubka cunaqabateynta hubka ee Soomaaliya saaran”ayuu yiri Captain Barigye Bahouku oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho.

Ugu dambeyntiina, ilaa iyo haatan waxaanan wax hadal soo saarin Dowladda Federaalka Soomaaliya oo saraakiisheeda Ciidamada loo jeedinayo eed taas la mid ah, waxaase laga yaabaa in ay iyadana ka hadasho eedeynta uga timid dhinaca Guddiga Qaramada Midoobay u xil saaran la socodka cunaqabateynta hubka ee Soomaaliya saaran.




Comments (0)add
Write comment
quote
bold
italicize
underline
strike
url
image
quote
quote
smile
wink
laugh
grin
angry
sad
shocked
cool
tongue
kiss
cry
smaller | bigger

busy
 
Newer news items
Older news items

<< Previous Page                    Next Page>>

< Prev   Next >